Jordan oo ku biirtay dalalka muwaadiniintooda kala baxaya dalka Lubnaan

Dowladda Jordan ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay si degdeg ah uga baxaan dalka Lubnaan, sababo ku aaddan cabsida laga qabo in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi ku boorisay in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan dalkaasi.

Wasaaradda ayaa xalay warsaxaafadeed ay soo saartay uga digtay muwaadiniinta kale inay u socdaalaan dalkaasi, ka gadaal markii ay kordheen gantaalaha ay is weydaarsanayaan Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel.

Israel ayaa ballaarisay weerarada xagga cirka ee ay ciidamadeeda ka gaysanayaan dalka Lubnaan, halka Xisbullah ay dhankeeda qaadday tallaabooyin ay ku xoojineyso bartilmaameedyada ka dhanka ah xeryaha militari ee waqooyiga Israel.

Sabtidii, Israel iyo Xisbullah ayaa is dhaafsaday mid ka mid ah gantaalihii ugu badnaa, tan iyo markii ay xiisadda dib uga soo cusboonaatay xuduudda.

Dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka ayaa maalmahaanba muwaadiniintooda kala baxayay Lubnaan, iyadoo laga jawaabayo khatarta amni ee jirta. Dalalka ay weli muwaadiniintooda ka joogaan dalkaasi ayaa ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto weerarada Israel ee socda.

Inta badan dalalka reer galbeedka ayaa horey muwaadiniintooda uga daadgureeyay waqooyiga Israel, waxayna muwaadiniinta kula taliyeen, kuwooda howlaha muhiimka ah u jooga Israel inaysan tagin deegaanada waqooyi ee ku dhow dhow xuduudaha Lubnaan iyo Suuriya.

Gantaalaha faraha badan ee xuduudda la isku dhaafsanayo ayaa la sheegaya inay bilow u noqon karaan dagaal aan ciribtiisa dambe la mahdin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker