Israel oo awaamiir ku soo rogtay deegaanada waqooyiga

Israel ayaa awaamiir dhinaca amniga ka soo saartay xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta xuduudda ay la wadaagto dalka Lubnaan.

Israel ayaa Sabtidii si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadii rakaabka ee deegaanada waqooyiga, illaa amar dambe, ka dib markii ay kordheen gantaalaha ka soo dhacaya dhinaca koonfurta Lubnaan.

Taliska Militariga ayaa amar ku bixiyay in la xiro goobaha waxbarashada ee waqooyiga Israel, inta ay jirto khatarta amni ee ka dhalatay xiisadda xuduudda.

Shacabka ayaa sidoo kale la faray inay joojiyaan kulamada isu imaatinimada, cid walbana ay taxadarto, iyada oo ay raadsanayaan goobaha gabaadka ee laga galo gantaalada.

Wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth ayaa daabacay in cabsidii ugu weyneyd ay ka jirto waqooyiga Israel, isla-markaana ay dadku ka baqdin qabaan in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa inay suurtagal tahay in Israeliyiin hor leh ay ka soo cararaan waqooyiga Israel, marka aad eegto xaaladda aan caadiga ahayn ee ka jirta deegaanada waqooyiga Israel ee ku dhow dhow xadka Lubnaan iyo kuwa kale ee ka baxsanba.

Ciidamada faraha badan ee ay Israel u daabushay dhanka xuduudda iyo Xoogaga Xisbullah ee la keenay jiidda koonfureed ee Lubnaan ayaa laga cabsi qabaa inuu dhex maro dagaal aan waxba la isku reeban.

Dhiilada colaadeed ee ka taagan xuduudda labada dal ayaa xitaa laga dareemay magaalada dekedda leh ee Haifa, iyadoona shacabka Israel ee ku dhaqan magaaladaasi ay goor horeba gabaad ka sameysteen dhulka hoostiisa, qaar ka mid ahna ayba isaga barakaceen magaaladaasi.

Dadkan ayaa goobaha gabaadka ku diyaarsaday waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, si ay ugu moodaan maalmaha, toddobaadyada amaba billooyinka ay colaaddu jirto.

Magaaladan waxaa ku yaala warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel. Haamaha waaweyn ee shidaalka iyo bartilmaameedyo kale oo aad u guban kara ayaa sidoo kale ku yaala magaalada.

Israeliyiinta ayaa baqdin ka muujinaya in Xoogaga Xisbullah ay dhibaato xoog leh ka gaystaan magaalada aadka loogu dalxiiska tago.

11-kii bilood ee is tuurtuurka gantaalaha uu ka jiray xuduudda ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay tirada dadkii dalxiiska ku imanayay Haifa.

Israel iyo Xisbullah ayaa hadda u muuqdo kuwo u jiheysanaya wareeg kale oo dagaal, ka dib dagaalkii lagu riiqmay ee 33-kii maalmood socday ee dhex maray sanadkii 2006.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker