Israa’iil amar ku bixisay in la xidho xafiisyada Al-Jazeera ee ku yaala Daanta Gaalbeed ee la haysto

Ciidamada Israa’iil ayaa galay xafiiska telefishanka Al-Jazeera ee ku yaala magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna dalbadeen in si buuxda loo xiro muddo 45 maalmood ah, iyagoo ku sheegay amar milatari.

Askar hubeysan oo wajigu u xiran yahay ayaa galay dhismaha aroornimadii hore ee maanta oo Axada, xili telefishanka uu toos hawada ugu jiray.

Dadka telefishanka daawanayay ayaa arkayay ciidamada oo warqada amarka xiritaanka gacanta u galinaya madaxa shabakadda Al-Jazeera ee Daanta Galbeed Waliid Al-Cumari, oo isna si toos ah uga akhriyay telefishanka.

Israa’iil waxay horey u weerartay xafiisyada Al-Jazeera ee Nasaraat iyo Bariga Qudus ee la haysto bishii May, iyagoo ku qeexay Muuq baahiyahan saldhigiisu yahay Qadar in uu khatar ku yahay amniga qaranka Israa’iil.

“Weriyayaasha oo sidan loo beegsado waxa looga gol leeyahay in la ciribtiro runta, dadkana looga hor istaago in ay maqlaan runta,” ayuu Waliid Al-Umari u sheegay telefishanka uu u shaqeeyo ee Al-Jazeera.

Askartu waxay la wareegeen makarafoon kii u dambeeyay, iyagoo damiyay kaamarada dibadda xafiiska taalay, sida laga soo xigtay weriyaha kale ee Al-Jazeera Maxamed Al-Saafin.

Muuqaal la soo dhigay barraha bulshada ayuu sidoo kale Al-Saafin ku sheegay in askartu dhulka soo dhigeen boor lagu xardhay sawirka gabadhii weriyaha ahayd ee Shariin Abu Caqli ee ka tirsanayd Al-Jazeera oo loo malaynayo inay ciidamada Israa’iil dileen iyadoo war ka tabinaysa weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed.

Xiriirka Telefishanka saldhigiisu yahay Qadar iyo Dawladda Israa’iil ayaa muddaba xumaa laakiin waxa uu ka sii daray markii uu qarxay dagaalka Qasa.

Iyadoo laga mamnuucay weriyayaasha ajnabiga ah in ay galaan Marinka Qasa, haddana weriyayaasha Al-Jazeera ee horey u joogay Marinka ayaa ahaa kuwa kaliya ee awooday in dhacdooyinka dagaalka soo tabiyaan.

Israa’iil ayaa dhawr jeer ku celcelisay in telefishanka uu ku hadlo afka argagixisada, laakiin eeddaas way iska diiday Al-Jazeera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker