Dhawr iyo labaatan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay god laga qodo dhagax dhuxulka

Qarax gaas ayaa ka dhacay god laga qodo dhagax dhuxulka oo ku yaala koonfurta gobolka Khuraasaan ee dalka Iraan, kaas oo keenay dhimashada 28 qof iyo dhaawaca 17 kale, sida uu sheegay telefishanka dalkaasi.

Waxa kale oo qaraxa lagu la’yahay 24 qof oo kale oo geeri iyo nolol toona aan la hayn.

Shilkan ayaa ka dhashay qarax uu sameeyay gaaska Methane oo ka dhacay labo baloog oo ay maamusho shirkadda Madanjoo sida uu sheegay telefishanka dawladda.

69 qof ayaa joogay labada baloog marka uu qaraxu dhacayay, sida uu sheegay telefishanku.

“Todobo iyo toban qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday Isbitaalka, afar iyo labaatan qofna wali waa la la’yahay,” ayuu telefishanku ka soo xigtay madaxa Hay’adda Bisha Cas ee dalka Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker