Madaxweyne Xasan Sheikh oo si adag uga digay hubka sharci darrada ah ee dalka Soomaaliya lagu haysto

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin adag ka soo saaray ka ganacsiga hubka sharci darrada ah , isagoo hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ka go’an tahay in tallaabo adag laga qaado dadka ku lugta leh.

Hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay Khudbadii Salaadda Jimcaha ee Masjidka Villa Somalia, ayuu shacabka uga digay inaan lagu kadsoomin kaydinta iyo rarista hubka, wuxuuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan ka ganacsiga hubka ee sharci darrada ah.

“Ha u ogolaanin in hubka lagu kaydiyo gurigaaga, ha ku dhex qaadin gaarigaaga, hana ka ganacsan hubka. Hadhow, shalaaydu kuma badbaadin doonto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in mas’uuliyiintu aysan ka waaban doonin fulinta sharciga, isagoo daboolka ka qaaday in ciidamada ammaanka ay heli doonaan amar xitaa haddii ay habeen tahay, si ay u baaraan guryaha looga shakiyo in lagu heysto hub sharci darro ah.

“Hadii ay ciidamada ammaanku ogaadaan in gurigaaga uu hub yaallo, waxay heli doonaan warqad maxkamadeed, xitaa 3-da subaxnimo, waxayna geli doonaan gurigaaga,”ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in kuwa ku hawlan arrimahan oo kale ay luminayaan sharaftii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeen.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay gaadiid xamuul ah oo hub siday oo ka yimid dalka Ethiopia uu gaaray degaanada Puntland, arrintaas oo dowladda Soomaaliya ay camabaaraysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker