Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker