Israa’iil oo duqeysay in ka badan boqol xarumood oo Xisbullah leedahay

Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradaheeda dagaalka ay khamiistii shalay ahayd duqeeyeen in ka badan boqol xarumood oo laga soo gano gantaallada kooxda xisbullah, kuwaas oo ku yaala Koonfurta waddanka Lubnaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in ganaataallada qaar ay u diyarsanayeen in la rido.

Duqeymaha dhanka cirka ah ee ballaaran ayaa imanaya iyadoo wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, uu sheegay in qorsheyaasha dagaalka ee aagga xadka Israel iyo Lubnaan la ansixiyay.

Dhanka kale waxaa khubad hanjabaad ay ku dheehan tahay jeediyay hogaamiyaha xisbulah xasan Nasrulah, kaas oo sheegay in weerrarkii Israa’iil ay fulisay uu ahaa mid saameyn badan ku yeeshay, balse waxaa uu sheegay in uu xaddidna khasaaraha uu geystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker