Aabe gabadhiisa iyo xaaskiisa ku waayay webi ku yaala Fransiiska oo ka warramay sida ay wax u dhaceen

Gabadh da’adeedu ahayd ilaa afar sano jir oo lagu magacaabo Mustaqiim Axmed iyo hooyadeed Muna Jaamac oo Soomali ah ayaa ku naf-waayay webi ku yaala magaalada Paris ee caasimadda dalka Fransiiska.

Gabadha yar ayaa la sheegay in markii hore ku dhacday webiga, taas oo keentay in hooyadu isku daydo inay soo badbaadiso inanteedi balse nasiib darro ay iyaduna biyuhu qaadeen sidaasina ay labadooduba ku geeriyoodeen.

Axmed Ismaaciil Aadan oo webiga ku waayay xaaskiisa iyo gabadhiisa oo BBC-da u warramay ayaa dhacdadan xannuunka leh ku tilmaamay “qadar ku dhacday”.

Webigan oo aan ahayn mid xiran ayaa la sheegay inay khatartiisu badantahay, wuxuun ku yaalaa aag ay carruurta ku ciyaaraan sida uu sheegay aabaha.

Waxaa uu intaa ku daray inuu waddanka Fransiiska kula noolaa muddo afar sano.

Gabadha iyo hooyadeed ayaa la arkay iyagoo biyaha dul sabeynaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker