Qaraxyo loo adeegsaday qalabka isgaarsiineed ee ay isticmaasho Xisbullah oo maalintii labaad ka dhacay Lubnaan

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay in ka badan 450 kalena waa ay ku dhaawacmeen mowjad labaad oo qaraxyo ah oo ka dhashay aaladaha isgaarsiineed ee wireless-ka ee Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan.

Aaladaha gacanka ee ay adeegsadaan kooxda hubeysan ee Xisbullah ayaa ku qarxay xaafadaha koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Beirut, dooxada Bekaa, iyo koonfurta Lubnaan oo ah meelaha loo arko inay yihiin dhufeysyadooda.

Qaar ka mid ah qaraxyada ayaa dhacay intii lagu guda jiray aaska qaar ka mid ah 12 qof oo ay wasaaraddu sheegtay in lagu dilay isla qaraxyadan aaladaha ee ay isticmaalaan xubnaha Xisbullah ee Talaadadii. Xisbullah ayaa weerarkaas ku eedaysay Israa’iil. Israa’iil kama aysan hadlin.

Weeraradan ayaa yimid xili wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant uu ku dhawaaqay “waji cusub oo dagaalka” iyo iyadoo qayb kamid ah ciidamada Israel dib loogu daabulay waqooyiga.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay “khatarta halista ah ee kororka weyn” wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay “xakameeyaan ugu badnaan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker