Hoggaamiyaha Xisbullah oo dhawaan la filayo in uu ka hadlo xaaladaha kasoo cusboonaaday Lubnaan

Mareykanka ayaa sheegay in uu ku lug leeyahay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo looga hortagayo in ay sii xumaato colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xisbullah.

Ugu yaraan soddon iyo laba qof ayaa ku dhintay laba maalmood gudaha Lubnaan qaraxyo ka dhashay bogaga iyo idaacadaha ay isticmaalaan Xisbullah.

Kumanaan kale ayaa ku dhaawacmay.

Kooxda ay Iran taageerto ayaa eedeyn u jeedisay Israa’iil, waxaana la filayaa in hogaamiyahooda Xasan Nasrullah uu arrintan khudbad ka jeediyo saacadaha soo socda.

Israa’iil kama aysan hadlin qaraxyada — laakiin wasiirka gaashaandhigga, Yoav Gallant, ayaa ka hadlay weji cusub oo dagaalka ah, iyada oo xudunta culeyska ay u guureyso waqooyiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker