FBI-da Mareykanka oo sheegtay in xogtii ololaha ee Trump loo gudbiyay kooxdii Biden

Kooxaha wax jabsada ee Iiraan ayaa xogta la jabsaday ee ku saabsan ololihii doorashada Donald Trump u qaybiyay dadka ku lug lahaa ololihii Biden, sida ay sheegeen FBI-da iyo hay’adaha sirdoonka Maraykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda rumeysan in macluumaadka laga soo qaatay ololihii Trump loo diray mas’uuliyiintii ololaha dabayaaqadii bishii June iyo horraantii July ka hor inta uusan Biden ka tanaasulin tartanka madaxtinimada.

Ilaa hadda ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in kooxda weerarka geysatay ay wax jawaab ah ka heleen cid ka mid ah dadkii xogtaasi helay.

Bishii Agoosto, saraakiishu waxay ka digeen in Iran ay rajaynayso inay “hubiso” oo ay wiiqdo kalsoonida hay’adaha Maraykanka ka hor doorashada November.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay adeegsatay “ingineerinta bulshada iyo dadaallo kale” si ay si toos ah u gasho ololaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, farsamadaas oo ay sheegeen in Iran iyo Ruushku u adeegsadeen dalal kale oo adduunka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker