Weerar la yaab leh oo ka dhacay dalka Lubnaan

Israel ayaa la rumeysan yahay in gelinkii dambe ee Talaadadii ay weerar naadir ah ku qaadday isgaarsiinta dalka Lubnaan, iyadoo markaasi bartilmaameedsaneysa qalabka ay ku wada xiriiraan Ururka Xisbullah.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firas Abiad ayaa sheegay in sagaal qof oo canug yar uu ku jiro ay dhinteen, ka dib markii isgaarsiinta gacanta ay ku wada xiriiraan Xoogaga Xisbullah ay ku qarxeen, guud ahaanba dalka.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 2,800 kale oo uu ku jiro Safiirkii Iran ee Lubnaan, Danjire  Mojtaba Amani ay ku dhaawacmeen qaraxyadii isku marka ahaa ee ka dhacay Caasimadda Beirut iyo gobolada kale ee dalkaasi.

Mashquul badan ayaa laga soo sheegaya goobaha caafimaadka ee dalkaasi, iyadoona ay dhakhaatiirtu la tacaalayaan xaaladda dhaawacyada faraha badan ee la soo gaarsiinayo.

Dhaawacyada ayay inta badan waxyeelo ka soo gaartay wejiga, indhaha iyo gacmaha, sida uu sheegay shaqaale ka tirsan Xarunta Caafimaadka LAU ee Beirut oo u waramay BBC.

“Aad bay xasaasi u tahay, muuqaalada qaarna waa argagax.” Ayuu yiri ninkan oo magaciisa la qariyay.

Weerarkan aan horey noociisa loo arag ayaa jahwareer ka abuuray dalkaasi, iyadoona dadka qaarkood ay bilaabeen inay tuuraan teleefanadooda gacanta, ka dib markii la sheegay in battery-yada ku jira mobile-da qaarkood ay qarax sameeyeen.

Xisbullah ayaa sheegtay in la beegsaday isgaarsiinta ay leeyihiin shaqaalaha qaybaha iyo hay’adaha kala duwan ee ururka, iyagoona xaqiijiyay dhimashada sideed ka mid ah dagaal-yahanadooda.

Xisullah ayaa Israel ku eedeysay in ay ka masuul tahay weerarkan, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka aargudan doonaan.

“Cadowga Sahyuuniyadda ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyadda gardarradan dembiga ah.” Ayay lagu sheegay bayaanka Xisbullah.

Taliska Militariga Israel iyo Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa iska diiday in ay wax faallo ah ka bixiyaan weerarkaasi iyo waxa keenay in uu qarax sameeyo qalabka isgaarsiinta.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stéphane Dujarric ayaa sheegay in xaaladihii ugu dambeeyay ee Lubnaan ay ahaayeen mid aad u walaac badan, gaar ahaan marka la eego in dhacdadan ay dhaceyso, iyadoo xaalad aad u kacsan ay ka jirto Bariga Dhexe.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa loo adeegsaday weerarkan, balse waa nooc dagaal oo ku saabsan teknolojiyadda casriga ah.

Weerarkan la yaabka leh ayaa hadal hayn xoog leh ka dhaliyay barraha bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker