Turkiga oo maraakiib dagaal u dirayo Soomaaliya

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib dagaal u daabulo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab cilmi baaris ah oo dhanka tamarta ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda, iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga in Shidaalka Turkiga uu ruqsad u haysto saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, goob kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Bayraktar waxa uu intaa ku daray in Oruc Reis uu samayn doono daraasad seismic 3D aagga, “taas oo aan weligeed hore loo samayn”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markabka. Ilo wareedyada arrintan la socda ayaa sheegaya in Ankara ay qorshaynayso in ay geyso laba markab iyo markab gargaar oo dheeraad ah si loo sugo aagga.

“Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu u sheegay Middle East Eye. “Markabka waa in laga ilaaliyaa budhcad-badeedda iyo sidoo kale khataraha kale ee dhulka ee suurtogalka ah.”

Tunc Demirtas, oo ah falanqeeye arrimaha Afrika oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Seta, ayaa sheegay in Ankara ay si taxadar leh u ilaalineyso markabka sababtoo ah wuxuu ka shaqeyn doonaa badweynta furan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker