Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo xukun Dila ku ridday Sayid Cali Macalim Daa’uud

Sayid Cali Macalim oo ku eedeysnaa dilka xaaskiisa ayaa ugu dambeyn laga gaaray go’aankii ugu dambeeyay ee maxkamadda sare.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diidayRafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa aqriyay go’aanka Maxkamadda sare ee dalka.

Sayid Cali ayaa ku eedeysnaa in uu xaaskiisa dab qabadsiiyay isla markaana ay u geeriyootay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker