Dowladda Lubnaan oo codsi u jeedisay shacabka iyo dadka oo bilaabay inay ka jawaabaan.

Shacabka Lubnaan ayaa si degdeg ah uga jawaabay codsi uga yimid Raysal Wasaare Najib Mikati oo la xiriira inay gacan ka gaystaan daryeelka bukaanada, dhiigna ay ugu deeqaan dhaawacyada faraha badan ee la keenayo goobaha caafimaadka, ka dib weerarkii shalay galab lagu qaaday isgaarsiinta dalkaasi.

Israel ayaa la aaminsan yahay inay beegsatay baytariyada ku jira qalabka gacanta ee ay ku wada xiriiraan Xoogaga Ururka Xisbullah, taasoo keentay inay qarax sameeyaan meelo badan oo dalkaasi ka mid ah, oo ay ku jirto Caasimadda Beirut. Meelaha qaarkood ayaa laga soo sheegay inay qarxeen moobeelada ay shacabku wataan.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhimatay qaraxyada isku waqtiga ka dhacay dalkaasi, ku dhawaad saddex kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xarumaha Howlaha Gurmadka Degdegga ee dalkaasi iyo dhammaan isbitaalada ayaa diyaargarow ugu jira daboolidda baahida weyn ee dhanka caafimaadka.

Shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiirta isbitaalada ayaa ku jira heegankii ugu sarreyay, iyada oo ay soo badanayaan dhaawacyada la gaarsiinayo isbitaalada dalkaasi. Tirada dadka dhaawacmay ayaa la qiyaasaya inay ka badan tahay, inta ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Muwaadiniinta reer Lubnaan ee dhiig shubista sameynaya ayaa ku qulqulaya isbitaalada, si ay gacan uga gaystaan badbaadada nafo badan.

Ururka Xisbullah oo ka arrimiya qaybo badan dalkaasi ah ayaa Israel ku eedeeyay in ay ka masuul tahay weerarkan, isla-markaana ay ka aargudan doonaan.

Xisbullah waxay wacad ku martay inaanu jawaab la’aan noqon doonin weerarka soo jiitay indhaha caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker