Dilka Noocan Ah Cidda Fulinaysa Waa Koox Abaabulan, Ama Ururro Xag Jir Ah” Hogaanka Nabad Gelitada DDSI
Dilka Noocan Ah Cidda Fulinaysa Waa Koox Abaabulan, Ama Ururro Xag Jir Ah” Hogaanka Nabad Gelitada DDSI
Waxaa qoraalkan hoose qoray Hogaanka Nabadgeliyada Deegaanka Soomalida.
“Anigoo ku hadlaya codka dawladda Waxaan u tacsiyay nayaa, dadka lagu laayay gobolka Doollo, degmada wardheer, dadka ay ka baxeen, kuwa dhintayna gacan ka xaqdaran ayaa dishay naxarristoi janno allaha ugu deeqo.
Ma jirin ujeeddo loo laayo dadkaas, maadaama shalay waxgaradka labada dhinac heshiis ay ku gaadheen magaalada wardheer.
Dawladdu waxa ay xakamaysay in ay qabiilku dagaalamaan, waxaa marag u ah dadka dhintay horay iyo haddaba guud ahaantood ma,ahayn kuwo ku dhintay dagaal fool ka fool ah oo ay isaga horyimaadeen laba qabiil.
Kolba qof socota ah ama gurigaas jiifa ayaa ladilayay.
Ficilladaas dadkii samaynayay, kuwii hore hay,adaha amnigu waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan intoodii badnayd, iyaga oo kaashanaya bulshada.
Kuwan gaystay falkanna waa lasoo qaban ciidamada dawladuna way ku jiraan hawlgalka.
Bulshada qaybaheeda kala duwan waxa aan ka codsanaynaa in ay ka kaalmeeyaan hay,adaha amniga qabashada gacan ku dhiiglayaasha.
Dhacdooyinka noocan ah ama dilka noocan ah cidda fulinaysa waa koox abaabulan, ama ururro xag jir ah ujeed kooduna uu yahay abuurista dagaal qabiil oo ballaadhan.
Awooddo dawladeed ee aan maanta haysano awgeed Uma saamaxayso inay qabaa,il fool ka fool isu dagaalamaan.
Waan qabanaynaa gacan ku dhiiglaha iyo kuwa lugta ku yeeshaba, shacabka labada dhinacba ha ku kaalmeeyaan ciidanka qabashada dadkaas” Hogaanka anabad Gelyada DDSI