Weerarro saaka ka dhacay Mali iyo millitariga oo sheegay in ay fashiliyeen

Maamulka Mali ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day ay kooxo hubeysan saaka ku doonayeen in ay ku galaan xarumaha millitari ee gendarmerie ee magaalada caasimadda ah ee Bamako.

Kooxda weerarka geysatay ayaa riday rasaas cabsi gelisay dadka deegaanka Falaadie, halkaasi oo ay wax ka dhaceen.

Inkastoo Mali aysan ku cusbeyn weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubeysan, haddana rasaasta ka dhacday caasimadda Bamako ayaa noqotay mid lama filaan ah.

Ma cadda kooxda ka dambeysa dhacdadan, balse muuqaallada ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo hawada isku shareeray meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Milateriga Maali ayaa sheegay in xaaladda ay hadda gacanta ku hayaan, iyadoo ay socdaan howlgallo lagu baadigoobayo raggii weerarka soo qaaday.

Dalka Mali waxaa hadda maamula militariga dalkaasi oo afgambi ku qabsaday.

Inkastoo ay ballanqaadeen inay xasilinayaan xaaladda amni ee dalka ka jirta, haddana weerarka maanta ka dhacay caasimadda ayaa muujinaya inay aad uga fog yihiin hadafkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker