Madaxweynaha Iran oo sheegay in aysan Ruushka hub ka iibin

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dowladiisa aysan wax hub ah u dirin Ruushka tan iyo markii uu xukunka qabatay bishii August.

“Ma aanan siinin hub Ruushka,” Pezeshkian ayaa ka sheegay shir jaraa’id, wakaaladda wararka ee Mehr ayaa sheegtay.

Waxa uu intaa hadalka ku daray in Iran iyo Ruushku ay xaq u leeyihiin in ay sii wadaan xiriirkooda, waxaana uu sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid ay dabada ka riixayaan wadamada NATO.

Horraantii Sebtembar, warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegtay in Ruushka uu ka helay Iran gantaalada riddada gaaban si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker