Dad u socday dabaaldagga Mowliidka oo shil gaadhi ku dhintay

Tobaneeyo qof oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay gobolka Kaduna ee waqooyiga Nigeria.

Dadkaan ayaa u safrayay magaalada Saminaka ee waqooyiga dalkaas si ay uga qeyb galaan dhalashada Nabi Maxamed NNKH oo bisha Mowliid sanadkasta ay xusaan bulshada Muslimiinta ah.

Shilka ayaa yimid kadib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay gaari xamuul ah, waxa ayna marayeen meel u dhow magaalada Lere, sida uu sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha xafladda Mowliidka.

Sarkaal ka tirsan hay’adda maareynta degdegga ah ee gobolka Kaduna ayaa ku sheegay dhimashada 36-qof.

dhanka kale Axmad Dayyabu oo ka tirsan qabanqaabiyayaasha xafladda ayaa BBC-da u sheegay in dhimashada ay gaartay 40-qof, halka dhaawacyadana ay gaareen 31-qof.

“Waxay ka soo ambabaxeen magaalada Kwandare iyagoo ku soo jeeday halkan, Saminaka. Markii ay gaareen magaalada Lere, gaarigoodii waxaa jiiray gaari xamuul ah, waxaana gaariga saarnaa dad gaaraya 70-qof,” ayuu yiri.

In ka badan 1,470-qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Nigeria bilihii u horeeyay ee sanadkaan, sida ay muujineyso tirakoobyada rasmiga ah ee la sameeyay, waana qiyaasta in maalintiiba ay dhimanayeen 16-qof.

Dalka Nigeria waxaa ku badan shilalka gaadiidka kuwaas oo ay ka dhashaan dhimasho badan, waxaana loo sababeeyaa in gaadiidka aad looga badiyo rarka iyo in ay yartahay taxadarka darawalka iyo rakaabka.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday in maalinta Isniinta ah oo shalay ahayd ku dhawaaqday in ay tahay maalin fasax si dadka Muslimiinta ah ay u xusaan dhalashada Nabi Maxamed NNKH.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker