Carruur ku geeriyootay qaboojiye dhexdiis

Booliiska Namibia ayaa baaraya dhimashada afar caruur ah oo ku ciyaarayay qaboojiye duug ah oo faaruq ahaa, dhacdada ayaana ka dhacday waqooyi bari gobolka Zambezi.

Caruurta dhimatay ayay da’doodu u dhaxaysay saddex jir ilaa lix jir, carruurtan ayaa laga helay qaboojiyaha aan la isticmaalin ee degaanka dadku ku badan yahay ee magaalada Katima Mulilo galabnimadii Isniinta.

Booliska ayaa rumeysan in carruurta ay si lama filaan ah ugu go’doomeen xilli ay ku ciyaarayeen kuna neef qabatoobeen gudaha balse waxaa socda baaritaanno.

labo kamid ah caruurta waxa ay ku dhinteen gudaha qaboojiyaha, halka labada kale ay dhinteen kadib markii la geeyay isbitaalka, sida ay ku warameen warbaahinta dalkaas.

“Markii aan soo galay, waxaan arkay shaqaale caafimaad oo u shaqaynaya inantayda iyo gabadh kale. Waxay ula carareen cisbitaalka, halka labada kalena lagu qaaday gaadiidka booliiska iyaga oo mayd ah, Aranges Shoro, oo ah aabaha dhalay carruurta ayaa u sheegay wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Namibia.

Labada qof ee loola cararay Isbitaalka Gobolka Katima Mulilo ee u dhow ayaa la sheegay in ay dhinteen markii ay halkaasi gaareen, sida lagu daabacay shabakadda wararka ee NBC.

Ma cadda sababta qaboojiyaha oo aan shaqaynayn looga tagay meel ka baxsan guri ay deggan yihiin mid ka mid ah qoysaska ay dhibaatadu saamaysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker