Daawo: Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka qaran ee dhawaan la dhisay.

Xubnahan cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxana uu ku  adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warkaas oo dhamaystiran

https://youtu.be/slyZ_bqKk6E

 

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker