Taliyihii Sirdoonka Militariga Israel ee Aman oo is casilay
Taliyihii Sirdoonka Militariga Israel, General Yossi Sariel ayaa xilka iska casilay, sababo ku saabsan guuldarradii ka qabsatay in laga hortago weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.
Wakaaladda Wararka AP ayaa Militariga Israel ka soo xigatay is casilaadda Taliyihii ugu sarreyay ee Sirdoonka Israel.
Taliyaha oo madax ka ahaa cutubka 8200 ayaa Taliska Militariga u gudbiyay go’aankiisa uu shaqada uga tagayo, waqtiga dhow.
Sirdoonka Militariga Israel oo loo soo gaabiyo Aman ayaa laf dhabar u ah Hay’adda Sirdoonka Militariga ee Ciidanka Difaaca Israel. Aman ayaa la aasaasay sanadkii 1950-kii.
General Yossi Sariel ayaa noqonaya sarkaalkii labaad ee sidaan oo kale xilka uga dego, ka dib weerarkii Xamaas ee dhaliyay khasaarihii ugu badnaa ee taariikhda Israel.
22-kii bishii April, Madaxii Agaasinka Sirdoonka Militariga, General Aharon Haliva ayaa go’aansaday in uu xilka iska casilo, ka gadaal markii ay ciidamadu ku fashilmeen inay helaan xog horseedi karta in laga hortago weerarkii Xamaas.
Weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ayaa lagu dilay 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku jiraan saraakiil iyo askar. Xamaas ayaana weerarkaasi ku soo qafaalatay saraakiil, askar iyo weliba rayid Israeliyiin ah.
Xoogaga Xamaas ayaa weerarkan ku jebiyay xeendaabkii ay Israel ku kala xadeynaysay Marinka Gaza iyo dhulka la haysto, waana weerarkii ugu cuslaa ee ka dhaca xuduudaha aan la aqoonsaneyn ee Israel.
Weerarkan ayaa gudaha Israel ka abuuray qalqalkii ugu weynaa ee amni ee ay la kulmaan Israeliyiinta, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.