Sacuudiga oo hoggaamiye sare ku xukumay 20 sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taal dalka Sacuudiga ayaa ku xukuntay madaxii hore ee nabadsugidda 20 sano oo xarig ah kadib markii lagu soo eedeeyay eedeymo musuqmaasuq.

General Khaalid Bin Qarar Al-Xarbi ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan rubac milyan oo dollar, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo saddex milyan iyo bar doollar oo laaluush ah iyo hanti la lunsaday.

Agaasimihii hore ee amniga oo xilkan hayay muddo lix sano ku dhow ayaa lagu helay dambiyo ah been abuur, laaluush qaadasho lacageed iyo ku takri falid dano gaar ah.

Xukunku ayaa ah mid kama dambays ah oo aan rafcaan laga qaadan karin.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa carabka ku adkeysay in dowladdu ay sii wadi doonto la dagaallanka musuqmaasuqa noocyadiisa kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker