Ruushka oo aqoonsigii kala noqday lix diblumaasi oo British ah

Ruushka ayaa aqoonsiga kala noqday lix dublamaasi oo British ah oo ay ku eedeeyeen basaasnimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax oo soo xiganaysa waaxda ammaanka ee FSB.

Laamaha amaanka dowlada ayaa ku andacoonaya in diblumaasiyiintaan ay halis ku yihiin amaanka dalka.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu uga digay reer galbeedka inay halis ugu jiraan inay dagaal la galaan Ruushka. Putin ayaa sheegay in Moscow ay qaadan doonto “go’aanno ku habboon” haddii Nato ay u ogolaato Ukraine inay ku garaacdo dhulka Ruushka gantaallada riddada dheer ee ay reer galbeedku sameeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker