Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladdu xalineyso tabashada Koonfur Galbeed

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo oo xaruun ku meel gaara u ah maamullka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dowladda federaalku ay dhageysatay tabashooyinka ay qabaan dadka reer Koonfur galbeed, ayna diyaar u tahay in ay xaliso arrintaas.

Xamse Cabdi Barre ayaa intaa ku daray in dolwadda Soomaaliya aaaney oggolaan doonin in dowladda kale ku dul hardamaan isla markaana wixii iyaga dhexdooda ah ay iyaga u taal, hase-yeeshee ay doonayaan in ay si nabad ah ula dhaqmaan dalalka deriska la’ ah iyo kuwa xiriirku kala dhaxeeyo Soomaaliya. Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliyana ay dooneyso in sidaa si la mid ah loola dhaqmo.

Raysal wasaare Xamse oo soo hadal qaaday arrinta ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Atmis, ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu aaney dayici doonin amniga dadka Soomaaliyeed oo ay diyaar u yihiin in arrintaa aay ka wada hadlayaan madaxda maaaul gobolleedyada oo Koonfur Galbeed ugu horreyso marka la gaaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker