Koonfurta gobolka California ee dalka Mareykanka oo laga barakacayo

Kumanaan kun oo qof oo ku nool Koonfurta California ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka baxaan iyadoo saddex dab oo waaweyn ay weli ka kacayaan dhulka buuraleyda ah ee bariga Los Angeles.

Saraakiisha ayaa sheegay in tobanaan kun oo guri ay halis ku jiraan. Inta la xaqiijiyay 12-qof ayaa ku dhaawacantay oo u badan kooxaha ka shaqeeya dab-damiska. Dabka ayaa qabsaday dhowr maalmood ka hor iyadoo uu jiro kuleyl daran, waxaana uu gubay ku dhawaad ​​afar iyo toban kun oo hektar oo dhul ah.

Ugu yaraan mid ka mid ah dabkaan ayaa la rumeysan yahay in si ula kac ah loo shiday; tuhmanaha ayaana la xiray Talaadadii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker