Boqollaal qof oo Cudurka daacuunka ugu geeriyooday dalka Suudaan

Ugu yaraan 242 qof ayaa dhimatay, ilaa 7,000 oo kalena waxaa soo ritay cudurka daacuunka siddeed gobol oo Suudaan ka tirsan, iyadoo colaadda iyo dagaallada u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo ciidammada RSF ay sii socdaan, sida lagu sheegay war la baahiyay.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay isku dayeyso in ay xakameyso cudurka dilaaga ah, balse dagaalka ayaa caqabd ku ah maadaama boqolkiiba 80 xarumaha caafimaadka aysan shaqeynin.

In ka badan 10 milyan oo qof oo ku barakacay iskahorimaadyada ayaa ku nool xeryo ciriiri ah, xaaladdan oo kordhinaysa khatarta cudurka.

Daadadkii ugu dambeeyay ee ku dhuftay dalkaas ayaa saameeyay in ka badan 500,000 oo qof. Sidoo kale, Jamhuuriyadda Niger, saddex qof ayaa cudurka daacuunka ugu dhintay magaalada Karofane ee gobolka Tahoua, ka dib markii dhowr maalmood ay xanuusanaayeen.

Mas’uuliyiinta dalka ayaa xaqiijiyay in cudurka uu dillaacay 6-dii Sebtembar, iyada oo la xiriirinaya fatahaado iyo biyo wasakhaysan oo ay dadku isticmaaleen..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker