Turkiga oo dacwad ka dhan ah dilkii Aysenur Ezgi Eygi u gudbinaya Maxkamadda ICJ

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ballanqaaday in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay caddaalad u helaan qoyska Aysenur Ezgi Eygi.

Gabadhan oo 26 jir ahayd, una dhalatay Turkiga, sidoo kalena haysatay dhalashada Mareykanka ayay Ciidamada Israel Jimcihii ku dileen Daanta Galbeed ee la haysto.

Aysenur Ezgi ayaa toogasho lagu dilay, intii uu socday bannaanbax lagaga soo horjeedo deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israel ka waddo Daanta Galbeed. Dilkeeda ayaana ka dhacay deegaanka Beita ee Magaalada Nablus.

“Waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo sharci ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo wacad ku maray in ay caddaalad raadin doonaan.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in kiiska marxuumadda ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ, si Israel loogu la xisaabtamo dilkeeda.

“Waxaan hubin doonnaa in dhiigga Aysenur Ezgi aan looga tagin aargoosi la’aan, waxaana sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Israel heerka ugu sarreya, annaga oo ka codsanayna Maxkaamdda Caddaaladda Caalamiga.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Turkiga ay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya gacanta mid ka mid ah gumeystihii ugu arxanka darnaa ee soo mara dunida.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay Ururka Iskaashiga Islaamka shir uu heerkiisu sarreyo oo degdeg ah, si wax looga qabto buu yiri weerarada sii kordhaya ee Magaalada Qudus.

Erdogan ayaa sheegay in Israel ay dooneyso inay ballaariso duuleenkeeda iyo siyaasadeeda qabsashada, oo ay ku jirto buu yiri Masjidka Al-Aqsa, oo muhiim u ah Muslimiinta, ahna qibladoodii ugu horreysay.

Dhinaca kale boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku sugan Magaalada Nablus ayaa Isniintii dhigay bannaanax lagu cambaareynayo dilka ay Ciidamada Israel u gaysteen Aysenur Ezgi.

Shacabka Falastiiniyiinta ayaa shalay qaaday meydka marxuumadda, oo lagu huwiyay cimaamadda Keffiyeh iyo Calanka Falastiin, intii lagu jiray Salaadda Janaasada oo dadka deegaanka ay kula tukadeen meydkeeda.

Ciidamada Israel ayaa madaxa ka toogtay gabadhan, oo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Falastiin.

Warsaxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda ayaa looga codsaday Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden in la sameeyo baaritaan madaxbannaan iyo in lala xisaabtamo gacan ku dhiigleyaashii dilay.

Allaha u naxariistee Aysenur Ezgi ayaa la filayaa in meydadkeeda loo qaado dalka Turkiga, si halkaasi loogu sameeyo aas qaran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in qoyskeeda ay codsadeen in lagu aaso dalkaasi.

Aysenur Ezgi ayaa bishii July ee sanadkii 1998-kii ku dhalatay magaalada koonfurta Turkiga ku taala ee Antalya.

Qoyskeeda ayaa iyadoo yar u guuray dalka Mareykanka, halkaasoo ay ku kortay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker