Qarax ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Qarax xoogan ayaa saaka ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo,

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, iyadoo si gaar ah uu ka dhacay maqaaxi Laga cunteeyo xilli dad shacab ah ay ku sugnaayeen.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa BBC-da u xaqiijiyay qaraxa iyadoo uu sheegay sidoo kale in inta la ogyahay uu hal qof ku geeriyooday.

Sawirro lagaasoo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo uu qaraxu geystay.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu qarax ka dhaco degmada Ceelwaaq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker