Mareykanka oo Qatar iyo Masar culeys ku saaraya in Xamaas lagu soo celiyo miiska wada hadalka

Mareykanka ayaa soo celiyay cadaadiska uu Dowladaha Qatar iyo Masar ku saarayo in Ururka Xamaas lagu soo celiyo miiska wada hadalka, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista ee iyaga iyo Israel.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Washington ay Doha iyo Qaahira ka dalbaday in si degdeg ah Xamaas loogu soo celiyo miiska wada hadalka.

Wararka ayaa sheegaya in La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan uu labadaasi dal u sheegay in loo baahan yahay in la riixo qorshaha lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Heshiiska nabadda ayaa waxaa curyaamiyay is mari-waaga u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee la xiriira Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Israel ayaa si weyn uga soo horjeeddo in ciidamadeeda laga saaro goobtaasi, halka Xamaas ay ku hanjabtay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah, illaa iyo inta ay Israel ka aqbaleyso inay ciidamadeeda ku celiso barrihii ay ku sugnaayeen, ka hor dagaalka.

Masar iyo Qatar ayaa arka in tanaasul la’aanta ay dhibaato ku tahay in horumar laga sameeyo dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada.

Labadan dal oo iyagu martigeliya wada hadalada dhinacyada ayaa sidoo kale fahamsan in Mareykanku aanu Israel cadaadis badan ku saareen inay aqbasho heshiiska xabad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista.

Billihii la soo dhaafay oo dhowr jeer miiska wada hadalka la isugu keenay Xamaas iyo Israel ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, sababtoo ah danaha is diidan ee labada dhinac.

Rajo badan lagama qabo inay guuleystaan dadaalada hadda socda, illaa iyo inta la isaga soo dhawaanayo khilaafka jira.

Dhammaadkii toddobaadka, Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqdaan wada hadalada iyo in ay si dhab ah Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu cadaadiyaan in aysan carqaladeyn hindisihii Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta Gaza iyo is weydaarsiga maxaabiista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker