Dufaanta dad badan ku leysay Vietnam
Ugu yaraan 58 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka 40 kalana la la’yahay, kaddib marki dufaan loogu magac daray Yagi ay garaacday waqooyiga dalka Vietnam.
Saraakiisha waaxda maareynta masiibooyinka ayaa sheegay, in khasaaraha intiisa badani ay sababeen fatahaad iyo dhul go ka dhashay roobab dabeylo xoog leh oo ay duufaanta wadatay.
Duufaanta ayaa billaabatay Sabtidi, waxay xooggeeda uu ku dhacay xeebaha waqooyi bari, iyada oo curyaamisay dhulka warshadaha caanka ku ah. Saraakiisha ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay ay kor u dhaafeen ku dhawaad 750.
Dowladda ayaa ka digeysa fatahaad ka dhalan karta wabiyada ku yaalla waqooyiga Vietnam oo heerka biyahoodu ay aad sare ugu kaceen.