Beesha Caalamka Oo kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka

Beesha Caalamka Oo Somaliland Cadaadis Ku Saaraysa Qabsoomidda Doorashooyinka soo socda Maantana kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka
Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay – wafti-sare oo ka socda waddamada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa iyaguna dhinacooda uga warbixiyey waftiga qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka inagu soo fooda leh, waxayna waftiga ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada KDQ.

May be an image of 2 people and people sittingMay be an image of 1 person, sitting and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker