Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Dick Cheney oo sheegay in uu odeeynayo Kamala Harris

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka ahna ragga ugu muhiimsan xisbiga Jamhuuriga Dick Cheney ayaa xaqiijiyay inuu u codeyn doono Kamala Harris oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga doorashada soo socoto ee madaxtinimada ee November.

Mr Cheney oo loo arkayay inuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku lahaa xilligii uu madaxweynaha ahaa George W Bush ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in uusan jirin shaqsi uga ka khatar badan jamhuuriha Donald Trump oo hadda ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Gabar uu dhalay , xildhibaankii hore ee xisbiga Jamhuuriga Liz Cheney, ayaa u sheegtay dadweynihii ku sugnaa Texas mar sii horeysay in aabaheed uu qorsheynayay inuu taageero musharraxa Dimuqraadiga.

“Waxa uu [Trump] isku dayay in uu xado doorashadii ugu dambaysay isaga oo isticmaalaya been iyo rabshad si uu xukunka usii joogo ka dib markii ay codbixiyayaashu diideen,” ayuu yirii Mr Cheney. “Mar dambe laguma aamini karo awood.”

“Muwaadiniin ahaan, qof walba waxaa nagu waajib ah in aan dalka ka sara marino xisbinimada si aan u difaacno dastuurkeena,” ayuu raaciyay. “Taasi waa sababta aan codkayga u siin doono madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.”

Hadalka Mr Cheney waxaa soo dhaweeyay kooxda Harris.

“Madaxweyne-ku-xigeenka waxay ku faanaysaa in ay haysato taageerada madaxweyne-ku-xigeenka Cheney, waxayna si qoto dheer u ixtiraamayaa geesinimadiisa inuu dalka ka saaro xisbi,” ayuu yiri guddoomiyaha ololaha Jen O’Malley Dillon.

Mr Cheney ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee xisbiga Jamhuuriga kuwaas oo walaac ka muujiyay musharaxnimada Donald Trump.

Inantiisa, Liz Cheney, waxay horeba u taageertay madaxweyne-ku-xigeenka Harris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker