Baarlamaanka Soomaaliya oo laga mamnuucay in xildhibanada shir-jaarid ku dhex qabtaan.

Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal kooban oo shaaca ka qaaday go’aan cusub oo si weyn u saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha ka howlgala xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aankan ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta kadib, si rasmi ah loo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Villa Hargeysa, taas oo sidoo kale mamnuuceysa in wariyeyaashu ay wareysiyo ka qaadaan gudaha xaruntaas.

Go’aankan ayaa si toos ah loogu gudbiyay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha si joogto ah uga soo tabin jiray arrimaha Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee halkaas ka socda. Tallaabadan ayaa waxay durba saameyn ku yeelatay shaqada saxafiyiinta madaxa bannaan ee Muqdisho, kuwaas oo laga hor istaagay inay si toos ah uga soo waramaan xarunta Baarlamaanka.

Dhinaca kale, go’aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa xildhibaannada Baarlamaanka laftooda, kuwaas oo badanaa farriimahooda iyo dhaliilaha ay u jeediyaan dowladda ku soo gudbin jiray shirar jaraa’id oo ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka. Shirarkaasi, oo ay inta badan qaban jireen xildhibaannada mucaaradka ah, ayaa ahaa goob ay ku dhaliili jireen madaxda ugu sarreysa ee dowladda, taas oo hadda la mamnuucay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa go’aankan adag, haddana waxaa la xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadallo dhawaan kasoo yeeray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Xildhibaannadaasi waxay taageero u muujiyeen Itoobiya intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay ku qabteen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro weyn oo ka dhex dhalatay bulshada iyo siyaasiyiinta.

Go’aanka cusub ayaa durba abuuri kara caqabado dhanka warbaahinta ah, maadaama uu xaddidayo xorriyadda ay saxaafaddu ku lahayd dabagalka iyo tebinta arrimaha Baarlamaanka. Waxaa la sugi doonaa in Guddoonka Golaha Shacabka uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo go’aankan iyo in lagu qancin doono cabashada warbaahinta madaxa bannaan ee ku aaddan xayiraadda shaqadooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker