Orodyahanad caan ka ahayd adduunka oo saaxiibkeedii hore si arxan darro ah nafta u dhaafiyey

Odoryahanada reer Yugandha Rebecca Cheptegei, ayaa u geeriyooday dhaawac darran oo ka soo gaaray markii nin ay hore saaxiib u ahaayeen uu gubay sida ay sheegeen saraakiisha Uganda.

Orodyahanadan 33 jir ah ayaa ka mid ahayd ciyaaryahadii ka qayb galay ciyaarihii Olombikada ee Paris ku soo dhammaaday sanadkan.

Maamulka waqooyi-galbeed ee Kenya, oo Cheptegei ay ku nooleyd kuna tababaranaysay ayaa sheegay in la beegsaday ka dib markii ay ku soo laabatay gurigeeda iyadoo ka timid kaniisadda.

Booliska ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.

Waxaa jira walaac laga qabo dhibaatooyinka sii kordhaya ee ka dhanka ah gabdhaha ciyaaraha fudud ee Kenya, kuwaas oo dhowr ka mid ah ay sababeen dhimasho.

“Aad baan uga xunnahay inaan ku dhawaaqno geerida Rebecca Cheptegei subaxnimadii hore ee saaka taasoo si xun ugu dhacday rabshado qoys, xiriir ahaan, waxaan cambaareyneynaa falalkan oo kale, waxaana ku baaqaynaa cadaalad, ,” Xiriirka ciyaaraha fudud ee Uganda ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oron jiray Twiter.

Orodyahanada u dhalatay dalka Yugandha Rebecca Cheptegei, ayaa geeriyooday maanta oo khamiisa iyadoo lagu daweynayay isbitaal ku yaalla magaalada Eldoret ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay agaasimaha adeegyada caafimaadka ee xarunta Owen Menach.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker