Xoogaga Xamaas oo la faray inay dilaan la haysteyaasha, haddii loo soo dhawaado
Ururka Xamaas ayaa dagaal-yahanadooda ilaalineysa la haysteyaasha Israeliyiinta u sheegay inay dili karaan maxaabiista, haddii Ciidamada Israel ay ku soo dhawaadaan goobaha ay ku sugan yihiin.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay ka dib weerarkii Israel ay 8-dii bishii June ku furatay afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta in iska caabinta amar lagu siiyay inay dilaan la haysteyaasha, haddii ay dhacdo in dhankooda loo soo dhawaado amaba la soo hujuumo.
Hawlgalkii 8-dii June oo ka dhacay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza ayay Ciidamada Israel ugu suurtagashay inay ku soo furtaan afar maxbuus oo nool, balse hawlgalkaasi ayay ku dileen 274 qof oo dad rayid ah, halka 698 kalena ay ku dhaawaceen. Hawlgalkan ayaa noqday kiisii ugu weynaa ee ay Israel ku furato maxaabiis nool, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Abu Ubaida ayaa xalay war uu soo saaray ku sheegay in xoogagooda ay amar u haystaan inay ka takhalusaan la haysteyaasha, haddii ay dareemaan in lagu soo wajahan yahay.
“Waxaan si cad go’aankan u ogeysiinaynaa qof walba.” Ayuu yiri Abu Ubaida oo warkan soo saaray, ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu fiidnimadii xalay sheegay in ay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto gudaha Marinka Gaza.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay inaysan marnaba Ciidamada Israel ka soo saari doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar.
Xamaas ayaa dhankeeda wacad ku martay inaysan qaadan doonin heshiiska xabad joojinta, illaa iyo inta Netanyahu uu ka aqbalayo in ciidamadiisa uu kala wada baxayo Marinka Gaza.
“Netanyahu wuxuu ku adkeystay in maxaabiista lagu soo sii daayo cadaadis militari, halkii laga xoojin lahaa heshiiska. Waxaan u sheegaynaa in tani ay keeni doonto in maxaabiista ay u laabtaan qoysaskooda, iyada oo naxash lagu sido meydadkooda.” Ayuu yiri Abu Ubaida.
Abu Ubaida ayaa qoysaska la haysteyaasha ugu yeeray in ay kala doortaan inay xubnaha ka maqan arkaan iyagoo dhintay amaba nool.
Warkan ka soo yeeray Xamaas ayaa walaaca ku kordhinaya qoysaska la haysteyaasha iyo shacabka Israel ee ka soo horjeedo in khatar la geliyo nolosha la haysteyaasha.
Shacabka Israel ayaa Axaddii iyo Isniintii dhigay mudaaharaadyo ay Netanyahu kaga dalbanayaan in xukuumaddiisu ay soo afjarto dagaalka Gaza, si iyagoo nool la haysteyaasha ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Netanyahu ayaa warkiisii xalay ku sheegay in ay ku khasban yihiin in dagaalkan la sii wado, maadaama uu ku xiran yahay sida uu yiri masiirka Israel.
Xamaas ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Telegram-ka ku sheegtay in Netanyahu uu nolosha maxaabiista ka doortay sii joogitaanka Philadelphi Corridor, dhib kasta oo soo gaarana uu isagu masuuliyadeeda qaadi doono.
Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa In ka badan 100 Israeliyiin ah ku haysto Marinka Gaza.