Putin oo booqasho ku dhex mushaaxaya dal lafilayay in lagu dhex xidho
Madaxweyne Putin ayaa sii watay booqashadiisa dalka Mongolia oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas Ukhnaagiin Khürelsükhin iyada oo kulanku uu ka dhacay caasimadda Ulaanbaatar.
Mr Putin ayaa lagu soo dhaweeyay xaflad heer sare ah oo uu ku tagay waddan xubin ka ah Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah tan iyo markii ay soo saartay amar lagu soo xirayo sanadkii hore.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Mongolia ee ah in aan la xirin Mr Putin, iyadoo sheegtay in dalkaasi uu hadda la wadaago mas’uuliyadda dambiyada dagaal.
Ruushka ayaa sii waday beegsiga Ukraine habeen hore, isagoo dilay saddex qof oo uu ku jiro wiil siddeed jir ah.