Madaxweynaha Tanzania, oo ugu magaca-dartay Libaax dhib badan hogaamiyaha mucaaradka

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa libaax ” aad u qaylinayay” u bixisay magaca mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalkaas.

Madaxweyne Samia ayaa booqasho ku tagtay goob Duur-joogta lagu xanaaneeyo, markaas oo ay la kulantay mid ka mid ah libaaxyada oo aad u ciyaya oo aan marna afka isku qabanayn. “Libaaxaasi magac ma leeyahay?” ayay waydiisay Madaxweyne Samia. “Haddii uusan lahayn, u bixiya magaca Tundu Lissu.”

“Sababtoo ah isagu mar walba ma degana,” ayay tiri Ms Samia markii ay magaca cusub u bixisay libaaxa Axadii. Mr Lissu waa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Chadema.

Waxa la xiray horaantii sanadkan kadib markii uu isku dayay in uu qabto isu soo bax dhalinyarada ay dhigayeen, kaas oo ay booliisku sheegeen in uu doonayay in uu rabshado ka abuuro.

Mar ay warbaahinta wax ka waydiisay Mr Lissu sida uu u arko ficilka madaxwaynaha waxaa uu yiri “Waxaan ka soo jeedaa qoys geesiyaal ah,” “Awoowgay ayaa dilay libaax soo weeraray isaga iyo lo’diisii,” ayuu intaa ku daray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker