Hay’adda Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay hakinayso gaargaarkeedii Qasa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay si ku meel gaar ah u hakisay howlgalkii gargaar ee ay ka waday marinka Qaza sababo la xiriira amarro ay ciidamada Israa’iil ku amraan dadku in ay isaga baxaan bartamaha dhulka Falastiin.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay saxafiyiinta in shaqaalahooda bini’aadantinimo aysan awoodin in ay shaqeeyaan isniintii sababo dhinaca amaanka ah.

Awaamiirta ah dadku in ay isaga baxaan dhulka ayaa daboolaya qaybo ka mid ah aagga bini’aadantinimo ee ay Israa’iil u magacawday gudaha iyo hareeraha bartamaha magaalada Deir al-Balah – halkaas oo Qaramada Midoobay ay ku leedahay xarunteeda ugu weyn – taasina waxay qasabtay in shaqaalaha hay’addu aag beddelasho sameeyaan iyaga oo isaga tagay qalabkooda.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ayaa ku nuux-nuuxsaday in hay’adaha Qaramada Midoobay aysan ka bixi doonin Gaza oo ay hadda isku dayayaan inay helaan meel ay si ammaan ah uga shaqeeyaan.

Ilaa 88.5% dhulka Gaza ayaa lagu soo rogay amarrada dadku in ay ka guuraan tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo ah bixiyaha koowaad iyo qaybiyaha gargaarka bini’aadantinimo ee dhulkaas. In ka badan 40,430 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker