Heshiis laga gaadhay Hirgalinta Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS BVVS:

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan ugu qabtay dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka gaar ahaan Madaxda Sare iyo Guddida Hawlgalinta (Taskforce) ee Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasada ee JSL.

Kulankan oo hore loogu balansanaa in la qabto kadib marka la soo dhameeyo hawlgalka tijaabadda Nidaamka Hubinta Cod-bixiyeyaasha IRIS- BVVS oo KDQ ka fuliyey Afar (4) goob-doorasho oo kala ah Caragaranuug (Boorama), Ceelxume (Oodweyne), Geeddi-haan (Burco), iyo Jaamacadda Hargeysa (Hargeysa).

Kulankaas ayaa aad loogu lafoguray guud ahaan hawlaha diyaargarowga doorashada, gaar ahaan Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah ee IRIS BVVS, waxaana lagu wadaagay xogihii iyo warbiximhii ka soo baxay tijaabooyinkii la qabtay.

Ugu danbayn, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL waxay ku heshiiyeen in Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha ee IRIS-BVVS laga hirgaliyo Lixda Magaalo-madax ee Gobalada dalka JSL doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee 13 November 2024.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker