Ceerigaabo : Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray Mashaariic

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta kormeer iyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan duga degmada Ceerigaabo, maayarka gobolka Sanaag, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xadhigga ka jaray waddo laga hirgeliyey gudaha magaalada, isaga oo sida oo kale kormeer ku sameeyey waddo dhererkeedu yahay 16KM oo dhismaheedu socdo, taas oo isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Karin Daallo.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeeray xarunta dawlada Hoose ee degmada Ceerigaabo oo laga wado dhismeyaal cusub iyo dib u casriyeyn.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale kormeer ku tegay ceel-biyood weyn oo laga hirgeliyey koonaha magaalada, kaas oo loogu talo galay in lagu xoojiyo biyaha magaaladu cabto, waxana warbixin ka siiyey wasiirka horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo duqa degmada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur.

Ugu dambayntii, madaxweynaha qaranku waxa uu kormeer kooban ku tegay xarunta taliska ciidanka qaranka ee Ceerigaabo, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliska xarunta oo halkaas ku sugnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker