Roobab xooggan oo Hargeysa ka da’ay oo khasaare geystay
Roobab xooggan oo 24kii sacadood ee u dambeeyey ka da’ayey magaalada Hargeysa, ayaa sababay in qaybo ka mid ah guryo u dhow Dhaamka Daami in ay dumiyaan qaarkood, halka kuwo kalena biyo badan galeen, oo dadku ka barakaceen.
Guryahan Roobabku waxyeelada gaadhsiiyeen ayaa ah guryo ku dhow Daami, kuwaas oo xilliyada roobka biyo mareenka dhaamkaas tagaa uu ku fataho xaafadda dhinaca ku haya biyo mareenkaasi.
Dadka dhibaatada soo gaadhay guryahooda oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in xalay ilaa saaka guryahooda biyo fadhiisimo isu beddeleen, isla markaana ay daadadka galay awgood ay uga barakaceen guryahooda.
Yurub Cabdi Aadan oo qayb ka mid ah Gurigeeda uu roobku dumiyey ayaa sheegay in 31 sannadood oo ay xaafaddaasi deganayd aanay arag roobkii xalay da’ay mid la mid ah.
“31 sanno ee aan halkan degnaa dhibaato ma arag, aad ayaan u dhibaataysanahay. Gurigaas ilaahay ayaa xalay ummada ka badbaadiyey, wuu dumay, xaafaddaas ka dambeeya way sigteen”
Dadka xaafaddan deggan ayaa naftooda kala cararay xalay guryahooda markii roobku dhaliyey biyo badan oo keenay in guryahoodu ku soo fataho “Waan ka qaxay gurigaygii, xaafaddo kale ayaan ula cararay caruurtii, markii biyo noogu soo galeen guriga” ayey tidhi Shukri Aadan Muxumed oo iyada oo saddex caruur ah oo ay dhashay ay xalay ka barakaceen roobabka ka da’ay Hargeysa.
Madax Xafiiska Maareynta khataraha iyo ka hortagga musiibooyinka Cali Maxamed Nuur (Cali Dheereeye), oo u warramayey BBC-da ayaa sheegay in boobabka xooggan ee shalay, xalay ilaa saaka ka da’ayay magaalada Hargeysa ay yihiin kuwii ugu biyaha badnaa ee in muddo ah, halkaas ka da’a.
Cali Dheereeye, waxa uu xusay in ay mudnaanta koowaad siinayaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii xalay ka da’ay “Saaka Maamulka Degmada gacan Libaax ayaa tegay xaafaddaha waxyeelada soo gaadhsiiyeen roobabka, waxaanu qiimaynaa, tallaabooyin dadkaasi wax loogu qabanayo ayaan qaadi doonaa.” Ayuu yidhi madaxa Xafiiska Maareynta khataraha iyo ka hortagga Masiibooyinka, Cali Maxamed Nuur
Xaafaddaha ka ag dhow Dhaamka Daami ayaa ah kuwo inta badan dadka halkaas degan khatar geliya noloshooda, iyada oo sannadkii hore Dawladda Hargeysa dad gaadhaya 100 qoys halkaas ka rartay si ay uga badbaadiso roobabka iyo fatahaada Dhaamkaasi keeno.