Iran oo looga digay in ay farageliso doorashada Madaxtinnimada ee Maraykanka

Wargayska Washington Post ayaa sheegay in FBI-du ay baadhayso kiis xatooyo ah oo la soo werinayo in Iran ay heshay xogta labada dhinca ee ololaha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Sida laga soo xigtay wargeyskaas, shaqaalaha labadaba kooxood ee Tartamaya waai Trump iyo Biden-Harris ayaa loo dsiray iimaylo been abuur ah bishii Juun. Farriimaha ayaa qorshaha ahaa dabin lagu ogaanayey xogta aaladahooda.

Baadhayaashu ma helin wax caddayn ah oo muujinaya in isku dayadaas lagu guuleystay. Dhacdo kale, ol’olaha Trump ayaa sheegay in la jabsaday, isla markaana xogtii baadhista ee musharaxii la shaeeaxnaa Donald Trump ee Senator JD Vance, si qarsoodi ah loo faafiyay oo la siiyey saxafiyiin ah.

Ma cadda in Iran ay ka dambeysay jabsigan. Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa uga digtay Iran cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii ay farageliso doorashada madaxtinimada ee November.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker