Jahwareer ka dhashay haweeney ay tuubada gurigeeda kasoo daateen biyo buluug ah

Mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika ayaa baaraya biyo buluug ah oo kasoo daatay tuubada guriga haweeney ku nool dalkaas.

Haweeneyda ayaa Isniintii baraha bulshada ku baahisay muuqaalka ku aadan biyaha buluugga ah ee kasoo daatay tuubada.

Afhayeen u hadlay shirkadda biyaha ee Johannesburga ayaa sheegay in biyaha looga shakiyay in u uku dhexmilay maaddo maar ah gudaha guriga balse la baarayo, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

Wuxuu intaa ku daray in muddo 24 saacadood gudahood ay baaritaanka ku shaacin doonaan.

Haweeneydan waxay sheegtay in markii dambe tuubada biyaha ay si caadi ah kusoo laabteen.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker