Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Cuqaasha Beesha Arab
Waxaa goor dhaweyd kulan dhex maray madaxweyne Muuse Biixi iyo Cuqaasha beesha ARAB .
Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Somaliland waxaa laga wada hadley qabsoomida doorashada , mashruuca wadada Baligubadle iyo arinta jabhada .
Madaxweynaha ayaa si cad cuqaasha ARAB ugu sheegay in dalku doorasho u jiheystay arintaas-na ay sidaas ku liqaan .
Sidoo kale madaxweynaha ayaa cuqaasha u sheegay in soo xareystaan dhalinyarada hubeysan ee dhawaan sheegay inay jabhad yahiin , arintaas-na ay iyagu ku filnaadaan .
Waxaa sidoo kale madaxweynuhu sheegay in wadada Baligubadle waxii taraankiisa ah uu ka qabtay , balse hada mihiimada ugu weyn ee dhaqaale uu galinaayo dhanka doorashooyinka
Kulankan wax sawir ah labada dhinac kumay wada gelin .
Ilays News