Maali oo xidhiidhkii diblumaasiyadeed u jartay Ukraine

Maali ayaa sheegtay in ay jartay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Ukraine, kadib markii sarkaal ka tirsan militariga uu soo jeediyay in Kyiv ay door ka qaadatay dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay meel u dhow xadka Aljeeriya bishii hore.

Tobaneeyo ka tirsan ciidamada Mali iyo calooshood u shaqeystayaal ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka ayaa lagu dilay dagaallo maalmo socday oo ay la galeen fallaagada gooni u goosadka Tuareg iyo dagaalyahanno xiriir la leh Al-Qaacida.

Andriy Yusov, oo ah afhayeenka sirdoonka milatariga Ukraine, ayaa todobaadkii hore sheegay in fallaagada la siiyay “xogta lagama maarmaanka u ah” si ay u fuliyaan weerarada.

Sarkaal sare oo u hadlay Mali, oo la yirahdo Korneyl Abdoulaye Maiga, ayaa sheegay in dowladiisa ay aad uga naxday markii ay maqleen sheegashada, waxa uuna Ukraine ku eedeeyay in ay ku xad gudubtay madax banaanida Mali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker