Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Askar loo xiray Weerarkii Liido

Dowladda Soomaaliya aya qaadday tallaabooyin dhowr ah tan iyo markii uu dhacay weerarkii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay Xeebta Liido.

Waxaa Xabsiyada la dhigay Saraakiil Ciidan oo lagu eedeeyay inay sameeyeen gaabis dhanka amniga ah, sida ay sheegeen Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo booqday dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen Qaraxa ayaa si cad u sheegay in falķii dhacay Saraakiil badani xabsiyada loo dhigi doono, haddana la xiray Askar badan.

Waxaa uu sheegay RW Xamse in isla xisaabtan gaar ah lala sameyn doono dhammaan Askarta looga shakisan yahay ama la aaminsan yahay inay sameeyeen gaabis dhanka ammaanka ah.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah.” Ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay sida dowladdu kaga falcelin doonto dhibaatadii dhacday.

Qaraxa habeenno ka hor lagu xasuusay dadkii shacabka ahaa ee ku caweeynaayay Xeebta Liido ayaa noqday kii ugu Khasaaraha badnaa marka loo eego qaraxyadii sanadihii dambe ka dhacayay Caasimadda.

Siyaasiyiinta iyo dadka u dhuun daloola xaaladaha amni ee dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaano dheeraad ah oo ku aaddan gaabiska ammaan ee Ciidamadu sameeyeen ka hor weerarka.

Weerarkii Liido waxaa ku dhintay dad ka badan 40 qof, halka dhaawucuna uu intaas ka badan yahay, waxaana marba marka ka dambeysa kordhaya dhimashada, maaddaama ay liidato xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar.

Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacaya Bannaanbax ballaaran oo looga soo hor jeedo falkii habeenno ka hor AS ay ku qarxiyeen dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido, si gaar ah ayuu kaga dhacayaa isla goobtii Labo Habeen ka hor la qarxiyay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker