Iran oo u hanjabtay Israa’iil iyo Netanyahu oo hadlay

Iran ayaa ugu hanjabtay “ciqaab adag” Israa’iil, oo ay sheegtay inay mas’uul ka ahayd dilka hoggaamiyihii Xamaas ee shalay dhacay.

Israa’iil si toos ah ugama hadlin duqeynta lagu dilay Ismaaciil Haniyah ee Tehran ka dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu “dharbaaxo culus” u geystay cadawgiisa maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku jirto dilka taliye sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullaah kaasoo lagu dilay Lubnaan saacado ka hor weerarkii Tehran.

Waxa uu uga digay Israaโ€™iiliyiinta in โ€œmaalmo adag ay soo socdaanโ€, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ballaaran uu ka dhaco Bariga Dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker