Dilal Bariga Dhexe ka dhacay saacado isku dhow oo keenay cabsi dagaal laga qabo

Calaamadaha colaadda bariga dhexe ayaa sii kordhaya, waxayna ku soo beegmeen dhacdooyinkaan, iyadoo dagaalka Qasa uu socdo maalintii 300-aad.

Kadib dib laba dil oo lala beegsaday madaxa xafiiska siyaasadda ururka Xamaas, Ismaaciil Haniyah iyo mid kale oo lala beegsaday. taliye sare oo militariga Xisbullah ka tirsanaa, Fuaad Shukr. Israa’iil ayaa si rasmi ah u sheegatay dilka Shukr, iyadoo ” ka gaabsatay inay ka hadasho” dilka Haniyah, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka.

Dilalkan qorsheysan maaha oo kaliya in ay kordhiyaan cabsida laga qabo dagaal mandiqadda ah oo ay ugu wacan tahay miisaanka iyo heerka ay ay joogeen shakhsiyaadka la dilay, balse sidoo kale waxaa sabab u ah saamaynta juquraafiyeed ee labada dil, maadaama Haniyah lagu dilay caasimadda Iran ee Tehraan, oo u qaadatay inuu dilkaasi ahaa “xadgudub halis ah oo lagu sameeyay madax-banaanideeda.”

Shukr ayaa lagu dilay duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Beyruut, halkaas oo xoghayaha guud ee Xisbullah uu in muddo ah ku hanjabayay in ay beegsan doonaan Tel Aviv”.

Dalal iyo ururo caalami ah ayaa ku baaqaya in xaaladda la dejiyo isla markaana aan la qaadin tallaabooyin xaaladda sii cakari kara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker