Ismaaciil Haniya oo la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday Gantaal
Dilka sarkaal hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa waxaa loo adeegsaday gantaal la hagayay oo lala beegsaday xilli uu ku sugnaa hoygiisa gaarka ah ee Tehran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka soo baxay Sacuudiga oo ay heshay warbaahint Al Hadath
Warbaahintaan ayaa ku warameysa in gantaalku uu ku dhacay dhismaha abbaare 2:00 xiliga maxaliga ah
Fars news, oo xiriir la leh ilaalada kacaanka Iran, ayaa sidoo kale sheegaysa in Haniyah uu ku sugnaa guri ay daganaayeen dagaalyahanno kale, waxaana lagu dilay “madfac hawada ka yimid”.